Qarax culus oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Bakool ee Kofur Galbeed dalka Somalia.
Kolanyadan Itoobiyaanka ah waxaa qaraxa lagula beegsaday agagaarka degmada Waajid oo ka mid ah goobaha Xabashida Itoobiya kaga sugantahay gobalada Baay iyo Bakool.
Miinada ayaa burburisay gaari nooca Xamuulka ah oo sahay ciidan ay ku wateen askarta Xabashida Itoobiya,sidoo kale qaraxan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Itoobiyaan ah.
Qaraxan lala beegsaday askarta Itoobiya waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen askarta Jabuuti uu ka dhacay degamda Jalalaqsi ee bartamaha dalka Somalia.
Calamada.com