Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi qarax culus lagula beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Ridada Jabuuti kaasi oo sigaar ah kaga dhacay Bariga magaaladaasi.
Qaraxa oo ahaa mid aaad u xoogan waxa dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne,iyadoona qaraxa khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay askarta Jabuuti.
Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa haleeshay gaari noocyada Gaashaaman gaar ahaan nooca loo yaqaano Taw-ga kaasi oo gabi ahaan burburay.
Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Jabuutiyaanka ee la socotay gaariga Taw-ga ee Miinada ay burburisay,waxa uu qaraxan imaanayaa xilli askar,saraakiil iyo gaadiid dagaalba dowlada Ridada Jabuuti ay ku weysay qaraxyo askarteeda lagula beegsaday degmooyinka Beledweyne,Buulo burte iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan Gobalka Hiiraan kuwaasi oo ay duulaan ku joogaan ciidamada Ridada Jabuuti.
Caamada.com