Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaatka Murtadiinta ay ku leeyihiin degmada Kaxda ee Muqdisho, waxaa qaraxan si gaar ah loola eegtay maleeshiyaad murtadiinta u qaabilsan la dagaallanka Xijaabka sharciga iyo niqaabka ay xirtaan haweenka muslimaadka ah.
Dhanka Baay, waxay ciidamada jabhadda mujaahidiintu weerar kamiin ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayay gudaha deegaanka Awdiinle oo hoostaga magaalada Baydhaba, waxaana inta la xaqiijiyay ay ciidamada mujaahidiintu weerarkaasi ku ku dileen askari murtad ah oo la oran jiray Cadow Deerow, halka uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Riddada ee deegaankaasi Awdiinle murtad Daadir.
Dhanka NFD gaar ahaan gobolka Mandheera, waxay ciidamada mujaahidiintu agaal culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah, oo ay qalabaysay dowladda kaafiradda Kenya, saldhiggan ayaana kuyaal deegaanka Fijaaro ee hoostaga degmada Ceelqaalow ee gobalka Mandheera.
Dagaalka markii uu muddo kooban socday kaddib, maleeshiyaadkii murtadiinta ee saldhigga ku sugnaa ayaa isaga cararay deegaanka, waxayna mujaahidiintu Allaah fadligiis burburiyeen dhismaha xarunta shirkadda Safaaricom ee deegaankaasi, sidoo kale waxay mujaahidiintu laba weerar ku qaadeen 2 saldhig oo kuyaala degmada Ceelqaalow, halkaas oo ay kala deganaayeen booliska saliibiyiinta Kenya iyo maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah, waxaana weerarka saldhigga booliska Kenya lagu gubay gaari Kooyal ah.