Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ee Konfurta dalka Somali waxey sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay deegaanka Miir-taqwa oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lagu aasay goob isbaaro u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Xilliga qaraxa waxaa goobta isbaarada ku sugnaay tiro askar iyo saraakiil ah oo ka tirsan dowlada Federaalka kuwaasi oo qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu ku dhintay sarkaal lagu magacaabi jiray Sool Cadow waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay sarkaal lagu magacaaba Axmed Taajir’waxeyna warar hoose sheegayaan in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay.
Calamada.com