Qarax culus oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxa uu ka dhacay deegaanka Leego oo ka mid ah goobaha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay tuulooyin badan oo hoostaga deegaanka Leego’waxaa qaraxa lala beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada federaalka.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob isku imaatin u aheed saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada ee ku sugan deegaanka Leego taasi oo sababtay in qaraxa khasaara culus uu geysta.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa baahisay in qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil iyo askar ka tirsan Murtadiinta’waxaa xubnaha ku dhaawacmay qaraxaasi ka mid ah sarkaalka ugu sareeya maleeshiyaatka Leego ku sugan kaasi oo la xaqiijiyay in dhaawaciisa uu culusyahay.
Calamada.com