Qarax culus ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,waxaa lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan maamulka dowladda Ridada ugu magacaaban degmada Yaaqshiid.
Gaariga qaraxa uu haleelay waxaa soo gaaray Burbur xoogan sidoo kale Labo askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen qaraxa kuwaasi oo ay dhaawacyadooda culusyihiin.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah dowladda Ridada iyo shisheeyaha ee ay ka fulinayaan gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.