Ciidamada Mujaahidiintu waxay gelinkii dambe ee maanta howlgal barakaysan oo qarax ah la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta xabashida Itoobiya, xilli ay ku socdaalayeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayay ilo wareedyo masuul ah xaqiijiyeen in uu si wanaagsan u haleelay mid ka mid ah gaadiidka saliibiyiinta Itoobiya ee qaybta ka ahaa kolonyada, lamana soo werin inta uu leegyahay khasaaraha qaraxan kasoo gaaray kolonyada xabashida.
Dhanka kale howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiintu maanta ka fuliyeen gudaha degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Juungal ku khaarajiyeen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, kaas oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Daahir Diiriye.
Howlgalkan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya howlgalkii affaraad oo isla maanta ay Mujaahidiintu ka fuliyaan gudaha caasimadda, howlgalkii midkan ka horreeyay oo ahaa qarax ka dhacay degmada Dayniile waxay Mujaahidiintu la beegsadeen gaari Qooqan ah oo ay la socdeen maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana qaraxaasi Allah fadligii lagu dilay saddex askari oo murtadiin ah halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.