Wararka ka imaanaya degmada Buulo Mareer ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Golweyn oo hoostaga degmadaasi.
Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay goob Isbaaro u ah maleeshiyaatka dowladda Ridada,iyadoo xilliga qaraxa goobta isbaarada ay ku sugnaayeen askar fara badan.
Goobjooga-yaal ayaa sheegay inay qarax xoogan ay ka maqleen isbaarada maleeshiyaadka Murtadiinta balse aysan xaqiijin karin tirada rasmiga ee askarta Murtadiinta dhimashada iyo dhaawaca kaga noqotay qaraxaasi.
Maleeshiyaadka Muradiinta ayaa qarax kadib rasaas dhinac kasta u furay,Iyadoona markii dambe ay goobta soo gaareen maleeshiyaad kale kuwaas qaaday askartii qaraxa kaga waxyeelowday.