Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in qarax culus uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala Axmed Madoobe oo ku socdaalayay duleedka Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe.
Sidoo kale dadka deegaanka waxey intaasi ku dareen iney arkeen meydka hal askari oo maleeshiyaatka Axmed Madoobe goobta qaraxa kaga carareen kaasi oo qorigii uu ku hubeysnaay ay gacanta ku dhigeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Maleeshiyaatka gaala raaca Axmed Madoobe ee saaka qaraxa lala beegsaday ayaa kasoo baxay deegaanka Cabdalle Biroole kuwaasi oo kusii jeeday dhanka maagalada Kismaayo.
Qaraxan ayaa imaanaya xilli maalintii shalay qarax ka dhacay agagaarka deegaanka Ceel-wareegow ee gobalka Shabeelada hoose khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta Afrikaanta.
Calamada.com