Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan qarax culus uu ka dhacay duleedka magaalada kaasi oo faahfaahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan.
Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday kolanyo isugu jirta Nasaarada Mareykanka,Kenya iyo kuwa maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe oo isaga cararay deegaanka Buulo guduud kuwaasi oo ku sii jeeday dhanka magaalada Kismaayo.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Yoontooy iyo Qaam Qaam waxeyna miinada haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen kolanyadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo kaolanyada Caddaanka iyo kuwa Madowga lagu gaarsiiyay qaraxaasi.
Dhanka kale waxaa maalintii Labaad degan xaalada Buulo guduud oo maalintii shalay si buuxda ay ula wareegeen ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab kadib markii deegaankaasi isaga carareen Kolanyadii Nasaarada Mareykanka,Kenya iyo kuwa Murtadiinta ee dhawaan duulaanka ku qabsaday deegaankaasi.
Calamada.com