Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay qarax kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Baar-sanguuni oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo,waxaa qaraxa lala beegsaday maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ee ciidamada Kenya ay ku ilaaliyaan magaalada Kismaayo.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob maalin walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka Murtadiinta waxaa xilliga qaraxa goobta fadhiyay tiro ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Jubbo land taasi oo muujineysa iney jirto khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka Axmed Madoobe lagu gaarsiiyay qaraxaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe iyo kuwa Saliibiyiinta Kenya ee ku sugan gudaha iyo duleedka Kismaayo.
Calamada.com