Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu galabta ka fuliyeen halka loo yaqaan tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa lala beegsaday maleyshiyaad lug ah oo ka tirsan murtadiinta, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Riddada.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in howlgalkaasi qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan laba askari oo murtadiin ah, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen laba kale.
Dhanka kale waxay ciidanka mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Uganda iyo saldhigga maleeshiyaadka Ridada ee degmada Jannaale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.