Qaraxan waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Burundi iyadoo faahfaahin laga helayo qaraxaasi.
Kolanyada Shisheeyaha ee lala beegsaday qaraxa ayaa ku socdaalayay agagaarka deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay ee gobalkaasi.
Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa ayaa si gaar ah loola beegsaday askar Burundeys ah oo lugeynayay waxeyna goob joogayaal sheegeen in qaraxa uu askarta Burundi gaarsiiyay khasaara dhimasha iyo dhaawac ah.
Wadada isku xirta Deegaanka Buurane iyo degmada Jowhar ayaa ka mid ah wadooyinka Shabeelada dhexe ee sida aadka loogu dhiig bixiya askarta Kufaarta Burundi.
Calamada.com