Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta Wilaayada Baay iyo Bakool waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah degmadaasi uu ka dhacay qarax khasaara geystay.
Qaraxa waxa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen sarkaal iyo ilaaladiisa oo ka tirsan dowladda Ridada dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay Labo askari kuwaasi oo la sheegay iney dhaawacyadooda culusyihiin lana dhigay Isbitaalka degmadaasi.
Baydhabo ayaa ka mid ah goobaha ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya duulaanka kaga suganyihiin Wilaayada Baay iyo Bakool.
Calamada.com