Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in caawa qarax lagu weeraray mid ka mid ah xarumaha maamulka gaala raaca Puntland uu ka sameystay gudaha magaaladaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weerary dhismaha xarunta maamulka gobalka Bari ee Puntland, iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan qaraxaasi.
Bamka ayaa sigaar ah loola beegsaday maleeshiyaat ka tirsan kuwa Puntland oo ku qayilayay albaabka hore ee dhimsaha xarunta, waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu sababay khasaara nafeet oo soo gaartay maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ee ku qayilayay albaabka hore ee dhisamaha xarunta maamulka gobalka Bari, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada askarta dhimashada iyo dhaawaca ku noqotay qaraxaasi.
Calamada.com