Wararka laga helayo wadada xeebta ah ee isku xirta mgaalada Muqdisho iyo magaalada Marka oo ah xarunta gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in markale qarax culus ka dhacay goobtii uu ka dhacay qaraxii lagu dilay taliyihii ciidamada qeybta 12-ka April ee dowladda Ridada Jeneraal Cumar Dheere iyo Abaanduulihii qeybtaas Murtad Cabdi Cali Jamaame iyo Sideed askari.
Qaraxan ka dhacay isla goobtaasi ayaa la xaqiijiyay in lala beegsaday gaari Ambalas ah oo waday askartii iyo xubnihii kale ee ku dhaawacantay qaraxii shalay lagu dilay Jeneraal Cumar Dheere kaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Jaziira.
Gabi ahaan waxaa burburay gaariga Ambalaska ah iyo dhaawacyadii uu waday waxeyna tani muujinyesaa dhiig baxa xoogan ee ku sugan dowladda Ridada.
Qaraxan lala beegsaday gaariga Ambalaska ah ee waday dhaawacyada Xubnaha kala duwan ee dowladda Ridada ah waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Calamada.com