Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax kaasi oo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa ayaa lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Kooxda Ridada kuwooda Xabashida Itoobiya kula sugan gudaha degmadaasi.
Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Maxaas iyo deegaanada Hoostaga degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Lix isugu jirta Saraakiil iyo Askar kuwaasi oo Labo ka mid ah ay xaaladooda aad u liidato.
Mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay degmada Maxaas waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo dagaal culus lagula jirta shisheeyaha soo duulay iyo maleeshiyaatka Murtadiinta.
Degmada Maxaas ayaa ka mid ah goobaha Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta ay duulaanka kaga suganyihiin Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha dalka Somalia.
Calamada.com