Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad uxooggan oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhashay gaari miinaysan ayaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada dowladdu ay ku baaraan gaadiidka isticmaala isgoyska Sayidka.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay illaa 9 gaari oo dhammaantood lagu baarayay koontaroolka, koontaroolkan uu qaraxu ka dhacay ayaa laga ilaaliyaa xarunta madaxtooyada iyo dhisamaha Baarlamaanka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ka dhacay hareeraha madaxtooyada “Camaliyad Istish-haadiyo ah oo uu fuliyay geesi istish-haadi oo watay gaari miinaysan ayaa ka dhacday isgoyska sayidka gaar ahaan Koontaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada Ridada,xilligii ay camaliyaddu dhacaysay waxaa goobta ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Weerarkan oo ka dhacay goob xasaasi ah ayaa kusoo aadaya xilli fatqalado siyaasadeed iyo kuwa amni ay ka jiraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.