Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray maleeshiyaad ka tirsan dowladda Ridada Farmaajo xilli ay ku sugnaayeen qaybo ka mida magaalada Muqdisho.
Weerarka qaraxa ah waxay Mujaahidiintu la beegsadeen maleshiyaad ka tirsan kooxda Ridada waxaana lasoo warinayaa khasaare xoog leh oo weerarkaasi ka dhashay.
Qaraxa waxa uu si gaara kaga dhacay talabeellaha Sheikh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Inta la ogyahay waxaa weerarkaasi qaraxa ah ku nafwaayay 7 askari oo ka mid aha maleeshiyaadkii qaraxa lagu weeraray waxaana sidoo kale weerarkaasi dhaawacyo kala duwan ku noqday maleeshiyaadka la weeraray.
Shabaabul Mujaahidiin ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka dowladda Ridada, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga dhaca magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.
Calamada.com