Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Bari waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen baabuur ay wateen maleeshiyaadka murtazaqada u ah shirkadda ashahaada la dirrinimada ku caan baxday ee lagu magacaabo Saarisan.
Howlgalkan qaraxa ah waxay ciidamada mujaahidiintu si gaar ah uga fuliyeen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, waxayna Allaah fadligiis si wanaagsan ula heleen oo ku gubeen gaari noociisu booyad yahay oo ay la socdeen maleeshiyaadka shirkadda Saarisan oo ah shirkad ashahaada la dirir ah oo ka howlgasha deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Riddada ee isku magacaabay Puntland, waxaana jira khasaare kala duwan oo la gaarsiiyay ciidankii murtazaqada ahaa ee booyadaasi saarnaa.
Maali ka hor ayay ahayd markii qarax ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari, Allaah fadligiis ay ku dhinteen shan askari oo murtadiin ah oo laba ka mid ah ay saraakiil yihiin, halka ay qaraxaasi ku dhaawacmeen 9 kale, kuwaas oo xaaladdoodu ahayd mid halis ah.