Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab, ee ka howlgala wilaayada Banaadir, waxay maanta howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo isugu jiray sirdoon iyo kuwa Boolis Militaaro, kuwaasi oo ku sugnaa isgoyska Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho.
Qaraxaasi waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka sirdoonka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdulle, waxaana ku dhaawacmay laba kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada ee Boolis Militaaro loogu yeero.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen agagaarka Jaamacada Shabeelle ee duleedka Muqdisho lagu dilay laba askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay mid kale.