Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ee dhacda bartamaha Somalia waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah ku burburiyeen guri uu magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi ka degganaa sarkaal murtad ah, kaasi oo lagu magacaabo Ibraahim Deefow.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Howlgalladan millatari ee mujaahidiintu fuliyeen ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay mujaahidiintu ka fuliyeen Isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho lagu beegsaday gaari cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Ridada, gaar ahaan kuwa NISA loogu yeero, halkaas oo Allaah fadligiis looga gubay gaariga Cabdilaha ah, halka dhimasho iyo dhaawac u qaybsameen maleeshiyadii qaraxa lala eegtay.