Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi oo ka mid ah goobaha ciidamada dowlada Ridada Jabuuti duulaanka kaga suganyihiin gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi ay qaraxyo ka dhaceen.
Qarax miino ayaa lala beegsaday askar ka tirsan kuwa dowlada Jabuuti waxaa Miinada lagu aasay goob maalintii ay fadhiistaan ciidamada Jabuuti taasi oo ku taala wadada dhanka Waqooyi looga baxa degmada Jalalaqsi ee aada dhanka degmada Buulo burte.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Jalalaqsi iyo deegaanada hoosyimaada xilliga qaraxa waxaa goobta fadhiyay tiro askar Jabuutiyaan ah.
Sidoo kale dadka degmada waxey sheegeen in qarax Labaad isla goobta laga maqlay waxaana inta la xaqiijiyay qaraxyadaasi ku dhintay ugu yaraan Afar askari oo Jabuutiyaan ah tiro kalane weey ku dhaawacmen.
Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa hubka culus ku garaacay saldhiga ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi waxeyna warar hoose sheegayaan iney jirto khasaara askarta Jabuuti kasoo gaartay weerarkaasi.
Diyaarado Elecobtar ah oo soo caga dhigtay saldhiga ciidamada Ridada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi ayaa goobta ka daabulay askartii Jabuutiyaanka ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weeraradaasi kala duwan.
Calamada.com