Faahfaahino dheeraad ah waxaa laga helayaa qarax khasaara dhaliyay oo maanta ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka iyo ciidamo ilaalo u ahaa, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu ku dhintay C/raxmaan Axmed Garyare oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey iyo 3 askari oo ilaala u ahaa.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus “Mujaahidiinta ayaa qarax ku dilay C/raxmaan Garyare oo ahaa guddoomiyihii kooxda Ridada ee deegaanka Garasbaaleey iyo sedax askari oo ilaala u ahaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Shabaabul Mujaahidiin.
Afar bilood ka hor ayaa qarax Muqdisho ka dhacay lagu dilay mas’uuliyiin katirsan maamulka Garasbaaleey.