Wararka laga helayo Galbeedka dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Wilaayada Hiraat uu ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay xarun sirdoonka ay leeyihiin oo ku dhex taala gudaha garoonka diyaraadaha Hirat,waxa uu qaraxan sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo wajahday Saliibiyadda Mareykanka.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay Labo sarkaal oo American ah waxaana lagu dhaawacay Afar kale oo isla sarakiisha Americanka ah kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Mas’uuliyadda qaraxan lagu dilay laguna dhaawacay saraakiisha American-ka ah waxaa sheegtay Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan,waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Labo Maalin ka hor khasaara culus Saliibiyiinta Mareykanka lagu gaarsiiyay madaafiic lagu garaacay saldhig ay ka sameysteen gudaha garoonka diyaaradaha Qandahaar,Sidoo kale Maalin ka hor ayeey aheed kadib markii gabi ahaan ciidamada Saliibiyadda Mareykanka ay isaga carareen gobalka Aruzjan ee bartamaha dalka Afghanistan.
Lixdii Bilood ee u dambeysay waxaa gudaha dalka Afghanistan lagu dilay inka badan (215)Labo Boqol Shan Iyo Toban askari American ah kuwaasi oo lagu dilay howlgala kala duwan oo qeyb ka ah howlgalka Almansuuriyah ee ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan sida tooska ah uga wadaan 34 wilaaya ee ay ka koobantahay Afghanistan.
Calamada.com