Wararka ka imaanaya duleedka Boosaaso ayaa sheegaya in qarax culus oo halkaas ka dhacay lagu dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan PIS-ta Puntland.
Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Galgala ayaa lakacay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen saraakiisha PIS-ta Puntland, waxaana halkaas ku dhintay taliyihii howgallada PIS-ta Puntland oo lagu magacaabo Korneyl Galayr Xassan Yuusuf, waxaana la dhintay sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Barkhad, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay shan kamid ah ciidamada Puntland.
Saraakiisha PIS-ta Puntland ee qaraxa lagu dilay ayaa qayb ka ahaa kolonyo iskugu jirtay ciidamo Maraykan ah iyo kuwa la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee PIS-ta, waxay xilliga qaraxa lala beegsanayay ay marayeen nawaaxiga tuullada Galgala.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa lagu dilay taliyihii howlgallada ciidamada Ashahaado la dirirka Puntland sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab.
Dilka maanta loo geystay taliyihii howgallada ciidamada Ashahaado la dirirka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Isbuucii hore la khaarijiyay Talihii ciidamada miina baarista Puntland Korneyl Cusmaan Kalabeyr kaas oo ku dhintay qarax miino oo ay Mujaahidiinta Al-Shabaab kula beegsadeen dulleedka magaalada Boosaaso.