Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Laamu oo ka mida dhulalka muslimiinta balse ay Kenya xoogga ku haysato, ayaa howlgal culus oo qarax ah la beegsaday gaari Kooyal ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, kaasi oo marayay inta u dhaxayso deegaannada Milimani iyo saldhigga ciidanka Kenya ee Boori.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in qaraxaasi Allaah fadligiis lagu dilay 12 askari oo saliibiyiin Kenyaati ah, halka gaarigii Kooyalkana uu gabi ahaan goobta ku burburay.
Dhanka Banaadir, howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ay ka fuliyeen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa lagu khaarajiyay murtad lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cabdi Dhuxulow, kaasi oo ahaa guddoomiyihii hore ee murtadiinta ugu magacownaa deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Sh/hoose.
Dhanka Gedo, ciidamada mujaahidiintu waxay weerar qorsheysan ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin xarunta WFB ee degmada Baardheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.