Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen gaari uu lahaa mid ka mid ah agaasimeyaasha murtadiinta oo lagu magacaabo Ibraahiim Mad madoowe, kaas oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah Baydhaba.
Murtadka qaraxa lagu beegsaday oo ka mid ahaa agaasimeyaasha ka howlgala Ariport-ka magaalada Baydhaba ayaa lasoo wariyay in uu si dirqi ah kaga badbaaday howlgalkaas oo la doonayay in lagu khaarajiyo, balse burbur xooggan ayaa soo gaaray gaarigiisa.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin ceel-mashruuc oo ka tirsan degmada Qansaxdheere, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.