Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi kaasi oo ka dhacay qeybo ka mid ah Wilaayada Shabeelada dhexe ee Konfurta dalka Somalia.
Qaraxan waxa uu ka dhacay agagaarka deegaanka Buurane oo ah deegaan hoostaga degmada Mahadaay, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan Wilaayada Shabeelada dhexe.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in qaraxan uu sababay baqtiga iyo dhaawaca tiro askar Burundeys ah.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Burundi ay ka sameysteen deegaanka Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadalle ee Wilaayada Shabeelada dhexe duqeyntaas oo khasaara kala duwan oo naf iyo maal ah ay kasoo gaartay Kufaarta Burundi.
Calamada.com.