Wararka laga helayo gobalka Baay ee dhanka Konfur Galbeed dalka Somaliya waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Kolanyadan Itoobiyaanka ah waxaa qaraxa lagula beesday agagaarka deegaanka Kurtun,iyadoona qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo u dhaw deegaanka qaraxa uu ka dhacay,waxeyna warar la helayo sheegayaan in Xabashida Itoobiya khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay qaraxaasi.
Kolanyadan Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka baxay degmada Baydhabo kuwaasi oo sahay u wada askarta Itoobiya ee ku go,doonsan degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay.
Calamada.com