Qarax culus ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Kaabul ee xarunta dalka Afghanistan kaasi oo sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.
Qaraxa oo ahaa Camaliyad Istish-haadiyo ah waxaa lala beegsaday gaari Bas ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan Wazaaradda difaaca maamulka daba dhilifka Kaabul.
Camaliyaddan Istish-haadiyada ah waxey ka dhacday afafka hore ee Akeedimiyada tababarka Caskariga ee taabacsan Wazaarada difaaca maamulka dowlada Nasarada Mareykanka ay ka dhisatay dalka Afghanistan.
Mas,uuliyadda Camaliyaddan Istish-haadiyada ah waxaa sheegtay Imaarada Islaamiga Afghanistan,qoraal kooban uu soo saaray Afhayeenka Imaarada Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa lagu xusay in Camaliyaddan lagu dilay Shan iyo Toban Sarkaal oo ka tirsan Wazaaradda Difaaca maamulka daba dhilifka Afghanistan tiro kalane waa lagu dhaawacay Camaliyaddaasi.
Calamada.com