Sarkaal sare oo ka tirsanaa saraakiisha booliska Riddada, ayaa lagu khaarajiyay deegaanka ceelasha biyaha ee dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaddib markii ay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen howlgal qarax ah.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayay ciidamada mujaahidiintu deegaan waynaha Ceelasha biyaha kula eegteen sarkaalkan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, waxaana Allaah fadligiis qaraxaasi ku dhintay sarkaalkaasi murtadka ah oo lagu oran jiray Saalax, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba kale oo ka mid ah ilaaladiisa.
Howlgalkan qaraxa ah ee ka dhacay duleedka Muqdisho ayaa qayb ka howlgalada qorsheysan ee ay mujaahidiintu ka wadaan caasimadda iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo madaxyada looga guray saraakiisha iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya.