Tafaasiil dheeraad ah aya kasoo baxaysa qarax aad u xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso kaas oo lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo ka tirsan maamulka Ridada ah ee isku magacaabay Puntland.
Qaraxa oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Galgala ee duledka magaalada Boosaaso ayay Mujaahidiintu ku dileen sarkaal sare oo miine baare ah kaas oo lagu magacaabi jiray Sandheere.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu gaystay waxyeello kale waxaana uu qaran kusoo beegmayaa xilli ay deegaamada maamulkaasi kusii kordhayaan howlgallada ciidanka Mujaahidiinta.
Deegaanka Galgala ee ka tirsan gobolka Bari waxa uu ka mid yahay deegaammada ugu badan ee marti geliya weerarada Mujaahidiinta sida qaraxyada iyo howlgallada kale kuwaas oo lagu beegsado askarta iyo saraakiisha maamulka isku magacaabay Puntland.
Calamada.com