Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Banaadir waxay howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Dayniile ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari ciidan oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada ee uu dhawaan murtad Xasan Gurguurte ku wareejiyey Amniga Xamar.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi in qaraxaasi oo haleelay gaari nooca qooqanta ah lagu dilay ugu yaraan shan askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Ridada, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 kale oo murtadiin ah.
Qaraxan ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidanka mujaahidiintu maalmihii u dambeeyay sare u qaadeen howlgallada jihaadiga ah ee ay ka fulinayaan Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo madaxyada looga gurayo madaxda iyo maleeshiyaadka murtadiinta.