Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog la hago waxey haleeshay gaari Booyad ah oo qeyb ka ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Kufaarta ee ku socdaalayay qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Miinada ayaa burbur xoogan gaarsiiyay gaariga Booyada,waxeyna warar hoose sheegayaan iney jiraan tiro askar ah oo ka tirsan shisheeyaha oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay deegaanka Ceelasha biyaha qarax lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo.
Calamada.com