Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir ayaa goor dhow gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho qarax barakaysan kula beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, gaar ahaan qeybta ay kooxda Riddadu u xil saartay la dagaalanka Xijaabka sharciga ah iyo niqaabka haweenka muslimaatka ee ku dhaqan caasimadda.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Andalus u xaqiijiyay in howlgalkan barakaysan ee qaraxa ah khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ah lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii murtadiinta ee maalmahan la dagaallanka xijaabka sharciga ah iyo sunnada nabiga SCW ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiinta howlgal qarax ah la beegsadeen fariisin ciidan oo xaafadda Al-cadaala ee degmada Hilwaa ay kaga sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan kuwa xukuumada Riddada u qaabilsan la dagaalanka xijaabka iyo Niqaabka Sharciga ah ee haweenka muslimaatka, waxaa halkaasi ku dhaawacay hal askari oo murtad ah.
Dhanka kale, madaafiicdii mujaahidiintu ku garaaceen xarunta madaxtooyada kooxda Riddada ee ay ku dhinteen 3-da askari ee ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada Riddada, waxaa ku dhaawacay laba kale oo uu ku jiro Yaasiin Dhageey oo ah Kormeeraha 3-aad ee ilaalada madaxtooyada.
Sidoo kale hal madfac ayaa ku dhacay guri uu agagaarka madaxtooyada Riddada ka dagganyahay murtad Cabullaahi Istakiin oo ah gudoomiyihii hore ee Riddada ugu magacownaa degmada Boondheere, waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka mid ah ilaaladiisa.
Dhanka Afgooye, howlgalkii qaraxa ahaa ee ay mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaadka iyo saraakiisha kooxda Riddada waxaa ku dhintay taliyaha maleeshiyaadkaasi ee haystay xerada murtadiinta ee Buula-fooliyo ee degmada Afgooye kaasoo lagu magacaabi jiray Wafaa, waxaana qaraxaasi sidoo kale ku dhaawacmay 5 kale oo murtadiin ah.