Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Gedo, waxay qaraxyo culus oo is xigxigay ka fuliyeen gudaha degmada Garbahaarey ee wilaayada Gedo, halkaas oo lagu beegsaday ciidamo xabashi ah iyo maleeshiyaad murtadiin ah.
Qaraxa koowaad ayaa lala beegsaday bar Control oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin gudaha degmadaas, halka qaraxa 2-aad na lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo baaritaan usoo aaday goobta uu qaraxa koowaad ka dhacay, hasaare kala duwan ayaa soo gaaray ciidamada nasaarada xabashida iyo maleeshiyaadka Riddada.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadaan lagu dilay laba askari oo Itoobiyaan ah, halka afar kalana oo Itoobiyaan ahna ay ku dhaawacmeen, sidoo kale qaraxyadaasi waxaa lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah.
Dhanka Sh/dhexe, waxay ciidanka mujaahidiintu maanta howlgal qarax ah ka fuliyeen inta u dhaxeeyso deegaanada Daaru-nicma iyo Al-Kawthar, waxaana lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah oo halkaasi ku socdaalayay, qaraxaasi waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay hal askari oo murtad ah.