Guutooyinka qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayaadka Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia iyo wilaayada Sh/dhexe waxay maanta qaadeen howlgallo qaraxyo ah oo lagu dilay askar iyo sarkaal ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya iyo ciidamada kuffaarta Afrikaanta.
Qaraxa koowaad waxay mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Galmudug waxaana lala eegtay gaari C/Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Riddada Bangaraafta, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 3 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxaana uu burbur xooggan soo gaaray gaarigii la qarxiyay.
Qaraxa labaad waxay ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka degaanka Budbud ee dhaca wilaayada Galgaduud waxayna la eegteen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana qaraxaasi ku dhintay sarkaal miina baarr oo la oran jiray Joxor, sarkaalkan ayaana ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada ee uu hoggaamiyo murtadka lagu magacaabo Saney Cabdulle.
Qaraxa 3-aad ayaa ka dhacay deegaanka Buurane ee wilaayada Sh/dhexe, waxayna mujaahidiintu la eegteen ciidamo ka tirsan kuffaarta Burundi xilli ay lugeynayeen inta la xaqiijiyay dhimashada waa 1 askari oo ka tirsan saliibiyiinta Burundi.