Ciidamo ka tirsan guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada islaamiga Hiiraan, ayaa maanta ilaa laba qarax qorsheysan ka fuliyay bar control oo maleeshiyaadka Riddada u tiilay gudaha degmada Jalalaqsi ee dhacda bariga wilaayadaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qaraxyada ah Allaah fadligiis ku dhintay ilaa saddex askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo isla Riddada ka tirsan, waxaana helnay qaar ka mid ah magacyada maleeshiyaadka lagu dilay, sidoo kalena lagu dhaawacay qaraxaasi.
Maleeshiyaadka la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Salaad Axmed Weeraxow, Xusseen Khaliif iyo Quluudo, halka maleeshiyaadka la dhaawacay ay ka mid yihiin, Cumar Xefow iyo C/raxmaan Dhagafiiq.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weeraro qorsheysan ku qaadeen saldhigga saliibiyiinta Yugaandha ee deegaanka No/60 iyo kuwa Riddada ee kuyaal degmooyinka Awdheegle iyo Buundada Jannaale.