Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose waxay maanta howlgallo qaraxyo ah ku weerareen ciidamo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Riddada oo ku socdaalayay qaybo ka mid ah wilaayadaas.
Deegaanka ceelasha biyaha ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho waxay mujaahidiintu qarax kula eegteen gaari nooca kuwa ciidanka qaada ah oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 3 kale, gaariga la qarxiyayna waxyeello kaal duwan ayaa gaartay sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.
Sidoo kale waxay mujaahidiintu howlgal qarax ah ku beegsadeen ciidamo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha, xilli ay lug ku marayeen deegaanka Buufow, ee isla wilaayadaas waxaana jira khasaare kala duwan oo gaaray saliibiyiinta Uganda.