Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka qaraxyo xoogan ay ka dhaceen isgoyska Ex-Control balcad kuwaas oo lala eegtay ciidamo Afrikaan ah oo wadada marayey.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa u sheegay Idaacadda Islaamiga Andalus in mid ka mid ah qaraxyada lala helay gaari Booyad ah oo ay wateen ciidamada Shisheeye, taas oo la sheegay in ay soo gaartay waxyeelo xoogan.
Qaraxa labaad oo isna ku diyaarsanaa goob aan sidaas kaga fogeyn halka uu ka dhacay qaraxa hore ayaa la sheegay in isagana lala helay ciidamo ka soo degay gaadiidka oo difaacyo ka xirtay aagga uu qaraxu ka dhacay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxyadan ayaa sheegtay in qaraxyadaas lagu dilay ugu yaraan 3 askari, laguna dhaawacay 7 kale, iyagoona tilmaamay in booyadu ay waxyeelo xoogan soo gaartay balse aysan wada burburin.
Ciidamada lala eegtay qaraxyadan ayaa ah kuwa badanaa gurmad iyo zaad geeya xerada ciidamada Afrikaanta ee Maslax, waxaana dhowrjeer ay la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah oo looga gubay gaadiid, askarna looga laayey.
Si ay uga gaashaantaan khasaaraha joogtada ah ee ka soo gaaraya wadadaas, xaley saqbarkii ayey qaadeen gurmadka oo ay geeyeen xerada Maslax, balse saaka markii ay dib u soo noqdeen ayaa lala helay weeraradii ay ka xeeladeysanayeen.
Dhanka kale, Ciidamada Afrikaanta ayaa iyagoo careysan indha la’aan ah rasaas ugu furay dadka shacabka ah ee ka dhawaa goobta, waxaana la sheegay in ay rasaastaan ku dhinteen ugu yaraan afar ruux oo shacab ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.