Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey qeybo ka mid ah Shabeelada hoose markale ka fuliyeen howlgalo isugu jirta qaraxyo iyo dagaal toos ah.
Dagaalka tooska ah waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka Ridada ay ka sameysteen deegaanka Ceel-saliini ee duleedka magaalada Marka ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jirta khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka Ridada kasoo gaartay dagaalkaas.
Dhanka kale qaraxyo khasaara nafeet lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka ayaa ka kala dhacay gudaha degmooyinka Marka iyo Afgooye oo ka wada tirsan Shabeelada hoose.
Qaraxydan oo gaaraya ilaa Saddex qarax waxey Labo ka mid ah ka dhaceen degmada Marka halka midka kale uu ka dhacay Mukayga Afgooye, Waxaa qaraxyadan ku dhaawacmay Shan askari oo Ridada ah tiro kalane weey ku dhinteen.
Calamada.com