Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay howlgallo kala duwan oo qaraxyo ah ku beegsadeen maleeshiyo ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur-galbeed, kuwaas oo ka kala dhacay degmooyinka Baydhaba, Diinsoor iyo Qansax-dheere ee wilaayada Baay.
Qaraxa koowaad oo ahaa mid culus, waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Diinsoor, waxayna ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa gudaha degmadaasi, inta la xaqiijiyayna waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah, kuwaas oo dhaawacyadoodu yihiin kuwa garaab ah.
Howlgalka 2-aad oo qarax ah, waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Qansax-dheere. waxay si gaar ah ciidanka mujaahidiintu u beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku sugnaayeen, lama soo sheegin faahfaahin intaas ka baxsan oo ku aaddan howlgalkaasi.
Dhanka Baydhaba, waxay ciidanka mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku beegsadeen gudaha xero Riddadu kaga sugan tahay gudaha degmadaasi, xerada weerarkan lagu miray ayaana ah Maaya-fuulka oo ka tirsan Baydhaba, lama helin xog intaas ka baxsan.