Mujaahidiinta ka howlgala wilaayaadka dhaca koonfurta Soomaaliya waxay qaadeen howlgallo kala duwan oo isugu jira qaraxyo iyo dagaallo toos ah kuwaas oo lagu beegsaday ciidamada kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Riddada.
Howlgalka hore oo ahaa qarax waxay Mujaahidiintu la beegsadeen fariisin ciidan oo ay murtadiintu kaga sugnaayeen halka loo yaqaan Dayactirka oo kutaal nawaaxiga xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka xigay oo ahaa dagaal toos ah waxay ciidamada Mujaahidiintu ku ekeeyeen xerada ciidamada xabashida ay ka deganyihiin degmada Waajid ee wilaayada Bakool, walise xog rasmi ah lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Dhanka kale wilaayada Gedo waxay guutada qaraxyada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay qarax la beegsadeen guri ay ku qayilayeen maleeshiyaadka Riddada oo kuyaal degmada Beledxaawo ee wilaayadaas, waxaana la xaqiijiyay in uu jiro khasaare soo gaaray maleeshiyaadka Riddada wallow aan la xaddidin.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii weerar dhabbo-gal ah oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay 6 askari oo murtadiin ah oo qaar ka mid ah ay bakhtigooda goobta dagaalka kaga carareen waxayna ciidamada Mujaahidiintu dagaalkaasi kusoo ghaniimeysteen qori RPG ah iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.