Weeraradan oo ahaa kuwo qorsheysan oo isugu jira qaraxyo iyo dil saacadihii lasoo dhaafay ayay ciidamada Mujaahidiinta siyaabo kala duwan uga fuliyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Howlgalka koowaad oo qarax ah ayay ciidamada Mujaahidinta ku weerareen dhismaha xarunta maamulka Murtadiinta ee degmada Boondheere waxaa jugta qaraxaasi ayaa laga maqlay xaafado ka mid ah degmada Boondheere.
-Inta la ogyahayna hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyaat kusugnaa gudaha xarunta ayaa ku dhaawacmay.
Weerarka labaad oo isna qarax ah ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisin maleeshiyaadka kooxda ridada ay ka sameysteen agagaarka Jaamacada Shabeelle oo u dhaxeysa Sarkuusta iyo halka looyaqaano Tabeelaha Sheikh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa ah ee lagu qaaday fariisinka maleeshiyaadka, hase yeeshe saraakiisha ciidamada Mujaahidinta waxay inoo sheegeen in qarax hadafkii loogu talagalay lagu beegsaday uuna jiro qasaare kala duwan oo maleeshiyaadka soo gaaray.
Howlgalka Saddex-aad oo dil qorsheysan ahaa ayaa lagu khaarijiyay askari darawal u ahaa godoomiyaha maamulka Murtadiinta gobolka Banaadir ugu magacaban degmada Wardhiigley.
Weerarka dilka ah ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Xamar Jadiid kadib markii rag hubeysan oo katirsan Katiibada Iqtiyaalaadka Maxamed Bin Maslamah ay dhowr xabadood ku dhufteen askarigii darawalka ahaa.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com