Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ayaa ilaa laba qarax ka fuliyay gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana mid ka mida qaraxyadaasi uu ka dhacay Buundaweyn, waxaana lala beegsaday maleeshiyaad murtadiinta ah, inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan ku dhaawacmay 3 askari oo dhaawacoodu garaab yahay.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolkaasi, kaasi oo lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen maleeshiyo Riddada (NISA) ka tirsan, waxaana gaaray khasaare maleeshiyaatkaasi.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu madaafiic xoogan ku garaaceen Airport-ka magaalada Baydhaba, halkaas oo xarun u ah xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka murtadiinta, isla Baay waxay mujaahidiintu weerareen xerada ciidamada Kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Bardaale.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidanka mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku mireen saldhigyada murtadiinta ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye, jabaqda rassaasta ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa si wayn looga maqlayay xaafadaha degmadaasi.