Qaraxyo xiriir ah ayaa ka dhacay gudaha magaaladan Muqdisho waxaana lala beegsaday gaadiid ay la socdeen maleeshiyaatka dowladda Ridada.
Qaraxa Kowaad waxa uu ka dhacay wadada ka Leexata Janaraal Daa’uud ee aada dhanka Daara Salaam waxaa qaraxan lala beegsaday Gaari Runeed ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowladda iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho.
Qaraxa ayaa gaariga haleelay waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Murtadiinta ee la socotay gaariga Runeeda ah.
Qaraxa Labaad waxa uu ka dhacay isla wadada waxaana lala beegsaday Gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowladda kuwaasi oo gurmad u ahaa askarta qaraxa hore lala beegsaday.
Sidoo kale qaraxan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo wajahday askartii dowladda ee la socotay gaariga Cabdi Bilaha waxeyna qaraxyadan kusoo aadayaan xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta ee ay ka fulinayaan gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.