Weerar khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan maamulka Axmed Madoobe lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haya magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay ciidamada maamulka Jubballand lagula beegsaday ciidamo biya dhaamis ku gudaha jiray.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyada oo dhaca maanta gelinkii dambe lagu burburiyay laba Baabuur oo booyado saarnaayeen, warar hordhac ah waxay xaqiijinayaan in Todobo askari oo katirsan maamulka Axmed Madoobe ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan,waxeyna kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta.