Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen inta u dhexaysa degmooyinka Doolow iyo Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayay ku burburiyeen, gaari ay la socdeen saraakiil ciidan oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Gaariga oo uu ku rakibnaa qori Biiteem ah ayaa la inoo xaqiijiyay gabi ahaanba burburay, waxaana Allaah fadligiis halkaasi ku dhintay sarkaal kabtan ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Qoorgaab, halka lagu dhaawacay 6 kale oo uu ku jiro sarkaal 1 xidigle ah oo lagu magacaabo Cumar Kaniini.
Howlgal kale oo qarax ah ayay ciidamada mujaahidiintu galabta la beegsadeen guri uu magaalada Baladxaawo ka daggan yahay sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Riddada ee (NISA) Kaasi oo lagu magacaabo Dhagajuun, wuuna ka badbaaday weerarkaasi.