Qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa ka kala dhacay Baay iyo Hiiraan oo kala dhaca Bartamaha iyo Konfurta Dalka Somalia.
Dhanka Baay waxa uu qarax culus ka dhacay gudaha Degmada Diinsoor oo ka mid ah Goobaha Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta duulaanka kaga suganyihiin Wilaayada Baay iyo Bakool.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay fadhiyeen Maleeshiyaatka Maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed, Waxaa Qaraxaasi ku dhintay Labo askari Tiro kalane weey ku dhaawacmeen.
Dhanka Wilaayada Hiiraan waxa uu qarax culus ka dhacay Deegaanka Halgan oo ay duulaan ku joogaan Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay Xaafadaha kala duwan ee deegaanka iyo duleedkiisa.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay Agagaarka Saldhiga Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen deegaanka, Waxaana qaraxa lala beegsaday Askarta Itoobiyaan ah oo doonayay iney gudaha u galaan deegaanka Halgan.
Dadka Deegaanka waxey xaqiijiyeen in qaraxaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Askarta Itoobiya, Waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Maalmo ka hor Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro kala duwan ay ku qaadeen Xabashida Itoobiya ee xooga ku joogta Deegaanka Halgan ee Wilaayada Hiiraan.
Calamada.com